1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
way maseersantahoo
waa maqana joogee
maskax iima lehee
miirka u daaya
maryoolaydoo idil
milinkay keentayoo
way mashquulsan tahee
miyirka u daaya
anoo muuneeyay
magac wayn u yeelay
isku kay macnaysaye
miyirka u daaya
adaa meermeeroo
meel kale aadee
muran kaama rabee
madaxayga isii
mashaqo aduuniyo
nin mushaax ku jiraa
masuul iima noqdee
madaxayga isii
muruqiisaa maalaa
tiisa meel mariyee
muraad kaama lihiye
madaxayga isii
jacaylka mudada dheer
musbaaxa u shiday
mugdibay galisee
miyirka u daayaa
masiibada taagan
ayadaa u macalinoo
murugta abuurtee
miyirka u daayaa
anoo muuneeyay
magac wayn u yeelay
isku kay macnaysaye
miyirka u daaya
hadalka macaaniyo
murtidii jacaylkana
marinkaad ka lumisee
madaxayga isii
maaweelada beenta
macna iima lehee
ha isku kay maroojine
madaxayga isii
adaa meermeeroo
meel kale aadee
muran kaama rabee
madaxayga isii