Waxaan maanku dhaadeyn
aragana ka dheeroo
dhabacaaya bey i heley
dhalandhoolka ciilkiyo
dhibtiyo xanuunkana
adigey igu dhaliyee
dhibka laguma waaree
dhaxal looma yeeshee
waa laga dhamaadaa
naftan dhiiri galiyoo
ruuxii dhab kuu jecel
waa lala dhadhamiyaa

waxaan hadalka dhawreyn
maqalkana ka dheeroo
dhukinaaya bey i heley
dhamacdiyo kuleelkiyo
dhacanka iyo abaarahan
adigey igu dhaafee
dhibka laguma waaree
dhaxal looma yeeshee
waa laga dhamaadaa
naftan dhiiri galiyoo
ruuxii dhab kuu jecel
waa lala dhadhamiyaa

Exit mobile version