waxa aan la dhacayaa
la dheel dheeliyayaa
waa dhaawacaagee

lafta dheere dhabarkiyo
dhagahaa i culusoo
dhaq dhaqaaqi maaye

dhaayihii jacaylkow
waan kaa dhulsugaya
ha iga dhicin ha iga dhumin
habeen ha iga dhixin
ilayn waa dhibkayge

waxa aan la dhuubtee
dhuunigiina iga jaray
waa dhibaatadaadee

dhiigaygiibad tahay
aan ku dhaadanaaye
soo yara dhawoowoo

Exit mobile version