Foosiyaay jacaylbaa
Inta uu figii xidhay
Daad igu faruuroo
Fikir iyo naftaydii
Baray foorsananta
2x
Filan waaba waakane
Falaadhihisa caashaqa
Feedha ka wareegtiyo
Kalgacaylkan kugu fiday
Halkeebuu kaso fulay
2x
Waxa aniga foosiya
Faladhiisa igu ganay
Fiirada dhaadheeriyo
Farxadiyo wajiga furan
2x
Cishqi igu fogaadiyo
Xishoodban la fiigee
Qalbigayga fahadoow
Jacaylkaagu kama fulo
2x
Aynigiyo filkaagiyo
Faca adiga kaa weyn
Xilo kaaga roonoo
Sheeye faraca aadmiga
Lama sheegin foosiyaay
2x
Adiga filkaagiyo
Faca ka calmadayee
Waanu igu fogaadoo
Kama fayoobi cashaqa
Naftu kay ku farxdoow
2x
Foosiyaa
Waa fahad
Foosiyaa
Waa fahad
2x

Exit mobile version