Qalbigii aad jeceshahaa
ileen loo qashuucaa
nafta lagu qabtaayoo
loo quurin hadimadaa
Qosli maayo anigoon
qoys kula qorshayninee
qaadir ha igu kaa simo
ha i daayo qarawguye
Qurux meel la dhigayoo
aan la quurin baad tahay
qarnigaynu joognana
qalbigaygi baad tahay
Qof ku jecel ayaan ahay
runtii qeexay baan ahay
waxaan qariyo ma hayee
nafaad qaadataan ahay
Qorshahayga noloshana
qeyb ka mid ah ayaad tahay
sidaan kuu qadariyana
iila qeybso caashaqa
inta ay qabyada tahay
waa qarsoodi sheekadu
qofna yuusan kaa maqal
qaadoo dhig yey noqon
qufulkana anaa hayee
furahana adigu qabo
Qotankaaga inanyahoo
Rabbigii qorsheeyee
Xubanhaaga qoray
Mahad wayn uqirayaa
Qanicisay nafteedee
Qabri anigoon galin
Kaa quusan maayee
Calaf ha isku keen qoro
Qurux meel la dhigayoo
aan la quurin baad tahay
qarnigaynu joognana
qalbigaygi baad tahay
Qof ku jecel ayaan ahay
runtii qeexay baan ahay
waxaan qariyo ma hayee
nafaad qaadataan ahay
Qorshahayga noloshana
qeyb ka mid ah ayaad tahay
sidaan kuu qadariyana
iila qeybso caashaqa
inta ay qabyada tahay
waa qarsoodi sheekadu
qofna yuusan kaa maqal
qaadoo dhig yey noqon
qufulkana anaa hayee
furahana adigu qabo