sida shay xaririyo
shaal midab shabeeliya
sida dabab la shiilaad
sheeda iiga nuurtaa

shaki la' i aduunbaan
shishe kuu jeclahayoo
asaagay ugu sheegaa
aduunbaan kugu shaamareera

shacnigaaga wacaniyo
shucaacii kalgacalba
igu shiday jacaylkee
adoon war kale shubin
iga giiji shaqalada

shaksi eebe quruxiyo
sharaf hibo u siiyoo
la shaqeeya dhiigo
shiinsanayabaad tahe

shirixyada dareenkiyo
shafkiyo iyo wadnaha bidix
adaa igu sharaxanoo
shiin dhalay ayaankuye
shan faroole ka ogow

Exit mobile version