VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxaan dhashay anoo xora - Lyrics

waxaan dhashey anoo xora waxaan dhiman anoo xora waxaan dhashey anoo xora sida xaashidaa ucad cidna xadhiga ugu jirin ka xariman dunuubtoo malagyada xisaabaha xaalkayga loo diray wali xarmka loo diray xalanoo nadiifa aduunyada xumaanteed waxaan dhashey anoo xora anoo xiiso la iiqabo xareed soo da,aysiyo xariir la iga jecelyahay ayaan xaynta hooyo soogalay xiniindheere waa wiil waa laba xiniinyood ayaa lagu xifaaltamay xabadaha kor loo riday shimbiruhu xanaaqii xasilooni li,idii xaab xaabsadoo kacee xag kalay uguureen xadka waabay dhaafeen ana kuba xanuunsaday wixii xiiso la iiqabay xabadaha la ii riday xoolo lagu gawracay culimadu xadreeyeen xirsiyada la ii xidhay habluhu igu kor xoomeen mar qudha xaragadii sheekadu xayirantoo xaalka meel adag galee xog xogta iyo ciyaartii iyo xiiso bururkii xaqiiqbaa ka timid hadaan xoog ka leeyahay lixdanbuu xagaa ujaray walina xaqii helin waxay noqotay xaajadu ninkaa xerada soo galay een xoolo wadan qayd lagu xambaariyo xabkiyo lagu dhaqo waxooga maryo ah dhaxamaha lagaga xidh xagee looga keenaa anigoon xafidin karin xamxamta iyo sheekada dadku isla dhex xulaayo misna waxaan xaqiiqsaday inaan xaalku fiicnayn xujana kow ay iitahay sheekadu inoo xidhan
Queue is empty
-- / --