VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gud gude roob - Lyrics

Sidu yahay gudguda roob
gayr iyo dabayl badan
banaan geed lahayn
dhul galgalina ka helay

Jaceyl igu gadaansho
markuu ganafka heeryada
guudka iga saaray
i burburiyay caashaqa

ee uu gibisha igu xirayee
i garwaaqsan weydoo
gacanta igu sayrteee

ana go'a reynkiyo gocashada
ma daayee meelee ku gaysaba
godobteey la caroow

nin garaadku maqanyahay 
godka lagama abaaree
lagaa garay ma moodee
adaa ii gaysta nabarada

Igu gaaxsanaadiyo
arimadaan u go'ayee
adna garasha daranee
waad igu guracantoo

Maariin good dartaa gubanee
i garwaaqsan waydaye
gacanta igu sayrtayee

ana go'ha reynkiyo gocashada
ma daayee meelee ku gaysaba
godobteey la caroow
Queue is empty
-- / --