nafyahay tabashiyo xasuus
tiiraanyada caashaq baday
dhibtiisa la tiicaysaa

adoo taageero biday
qofkaa ka tagay waa baryaba
maxaad ugu taamaysaa

taariikhoo xanuun lehiyo
qalbigan taw soo maroo
cakuye tagtadiyo qalbiga
tacliin ka baroo maruun
jacaylka ka toobad keen

nafyahay tacadiga kalgacal
xubiga ruux kale ku tolay
hurdada uga toosaysaa

adoo taba goor kastaba
wanaagii ruux tirtiray
maruun ka tashoo ilow

Exit mobile version