isma dhaafka aduunyo
waligay ma idlaado
ilaa xaawo iyo aadan
muran aadmi ma waaye

eedan talo dhexdeeniyo
asaraarkiyo dooga
cishqigaynu abuurnay
marna een uma yeesho

lamaana isku ooman
is khilaafku imido
waa aas nololeede
inagoo isku duuban
aynu dhowrno jacaylka

kolka ay indhahaygu
ay arkayaan indhahaaga
dhibkastoy igu oogan
ilmadaaba dubeyse

in kastoon nacab caashaq
ibtileeyay jacaylka
labadii is adeeca
arinkoodu ma wiiqo

lamaana isku ooman
is khilaafku imido
waa aas nololeede
inagoo isku duuban
aynu dhowrno jacaylka

Exit mobile version