sidii aar doogsare quruxeey
sidii ubax baxay carfo udugey
sidii gu i furay oontira nasiyaay
aqoon badaneey ogol badaneey
amaan badaneey ayaan badaneey
asluub badaney anshax badaneey
nafu naftay aadmi ka aamintaay
sahraan iyo aayaadanii daayoo
miyaan midhihd qudha kaa ooli ka rayaa
sidii oogmo shidan eegmo quruxeey
sidii ileys baxay indhadeeq aay
sidiii aagmotami arwaax dejiyaay
sidii awliyaay indheer garatooy
amaan badaneey akhlaaq badaneey
odhaah wacaneey erey wacaneey
jawi sanuunkaay farxad abuuraay
naftu naftay aadmi ka aamintayeey

Exit mobile version