VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dheeman - Lyrics

Sida dhool cir da'ay Intuu qaaday dhoobada Buuxiyay dhijaamaha Dhulucleeyay Daadkii Kaymaha dhexdoodana Dhargisay xareedii Cirku midab dhalaaliyo dhagta fidiyay Ubixii Qurux loo dhameeyoo Dhaayaha uroonbaa Dheemaneey ka dhigantee Markii aan ku dheehdaba Macaan aan ku dheehdaba Farxad baan dhaqaaqaa Dhirtu wada magooshoo Dhimbiishiyo caleentuna Midba dhinac u ciirtoo Dabaylaha ku dhacayaa Isku soo dhaweeyeen Cidhifyada isla dhaafeen Dhulalaynku geedaha Dhexda ugu maranyahay
Queue is empty
-- / --