sida godob caleenoo
guubuhu ku hooroo
gudcurku intuu miray
dalag bixiyay kaymaha
galow giyo ugaadhii
yaab galisay heegadu
ishu gulucda eegmada
kalgacayl godlanayso
marna ay gaagixin
sidaan ahay gadaasoo
ii galay jaceylooo
gabadhyahay daraadaa
ii goobay caashaqu
gaaroodi hawdoo
garagaraya geeduhu
iyagoo gu wada jira
garbaha isla dhaafeen
bilicdooda gaarka
way gaaxdayooo helay
galool kiyo maraagana
ubax guud kaga yaal
shini gioobeysa timid
sidan ahay gedaasoo
ii galay jaceylooo
gabadh yahay daraadaa
igu goobey caashaqu

Exit mobile version