jacaylku muxuu i ciilay
intuuu cimrigay i dhaafshay
muxuu cidlo ii faquuqay
cishqigu cadiboo naftayda
dartaa hodaneey cataabay
intaad casarkii dhawaaqay
maxaan cishihii ku raadshay
hadaan curub yahay ku doortay
hadaan kaa calmaday asaagaa
oo ay ku cugatay naftaydu
canaan ma lahee ogsoonow

maxaan cawayskii ku doonay
maxaan xubiga aan ciseeyay
maxaan caashaqa daryeelay
anigu caawiyoo daraada
maxaan caynigaa ku dhaafshay
oo aan cadho kaa ilaashay
adiga cadawgaa dagaalay
hadaan curub yahay ku doortay
hadaan kaa calmaday asaagaa
oo ay ku cugatay naftaydu
canaan ma lahee ogsoonow

Exit mobile version