Qaaradaha aduunkiyo
Qarankeena oo idil
Qarnigan hablaha kacay
Quruxday u sidataa
Waxay dumarku qaayiyo
Qiimiyo dhag leeyihiin
Qaadirka udhameeyoo
Qani weeyi inantuye
Mar hadaynu qaniyeey
Isu qalano dhalashada
Qaadir mahadii weeyee
Ii quudh naftaadoo
Kaalay laabta igu qabo
Qoorteeda dheer iyo
Dhexda qalin
La moodee
Qalanjadan ku yaal baa
Qalbigayga jiitee
Qayd aabeheed iyo
Qamar aabaheedbaa
Ka ilaashay qaladoo
Qormo wacan ku koriyee

Exit mobile version