Goortaan roob ka qaadiyoo
Calcalyada xarreediyo
Waa caynba cayn
Carfiyoo udgooneey
Cimrigaygu intuu jiray
Cidaan kugu masaalo
Caqligaygu sheegana
Carro edeg kumaan aragee
Adna haa cugashadaydaay
Ku caleema saaroo
Cindigaad ku weyntahe
Ku calool fayoow

Codkaraan dahniyo
Caqli iyo aqooniyo
Raggaanimo ku caaniyo
Curaad garasha dheeriyo
Codkaraan dahniyo
Caqli iyo aqooniyo
Raggaanimo ku caaniyo

Ugub ceeb saliimoow
Kuu cabtay baan ahayoo
Cishadeenu kulannaan
Caashaqu igu fogaadee

Annaa cugashadaydoow
Waan kuu cataabee
Curashada kalgacalkiyo
Iga caawi jamashadaa

Waxaa nolasha caabbiyaa
Caashaq laba wadaagoo
Cagaar iyo dhul doogliyo
Ciiddooda wada dega

Sidan caawa oo kale
Ku wadaaga caanoo
Ku caweeya nabadoo
Oo ilaahay ku caabuda

Adnaa cugadhadaydaay
Ku caleema saaroo
Cindigaad ku weyntahee
Ku calool fayoobee
Kuuu caloo fayoow

Cirkoo da'ay aroornimo
Caadkiyo dhibicdii
Ay cadceedu haysaa
Cabbirkoodii leedahee
Ama ubax casaaniyo
Midh cagaadha yeeshoo
Casuuriyo ku yaal hawd
Caynkiisiibaa taheee

Annaa cugashadaydooow
Waan kuu cataabeee
Curashada kalgacalkiyo
Iga caawi jamashada

Exit mobile version