gacaliyo xigaalo
gabadh ha la iidono
hooyo gacalo
gabadh ha la ii doono

guuraha habeenkii
dadka wada gam'aan kaca
gogoshiyo barkimo la diraraya

hablihii laba go'iyo laba shaal
garba saarka xidhan jiray
hurdo aan wada xalaalo
gayaankooda dhaqan kara
geyigeenu leeyahay
gabadh ha la ii doono

somaliday is gargaara
gabadh ha la ii doono
ee la bixiyay yaradka geela
gabadh ha la ii doono

ganbalay markaan arkaa
gubanaya gariiraya
geesiga ka gas raduu i hayaa

hablihii laba go'iyo laba shaal
garba saarka xidhan jiray
hurdo aan wada xalaalo
gayaankooda dhaqan kara
geyigeenu leeyahay
gabadh ha la ii doono

Exit mobile version