Niyaddu meeshey rabtaa
qalibigu ku nagaday baa
nolashu ey jeceshahoo
naftaada u qaaliyee
Waxaad ii tahay nasteexe
nacabka aan uga gambado
dhibaato ha ii nugleyn
dhibaato ha ii nugleyn

Beejka labaad:

Dunidu waa duhurba nooc
nafsina wuu beerayaa
haddii nabarada jaceyl
adiga aad nabad ka tahaye
Naf baa sidataa ogoow
noolaha adi kugu jecel
dhibaato ha ii nugleyn
dhibaato ha ii nugleyn

Rag waa nacab iyo nasteexe
midaa tahay lama ogee
dhibaato ha ii nugleyn
dhibaato ha ii nugleyn

Exit mobile version