VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhambaal Jacayl Ft Kastan - Lyrics

Amina dhool: Ilaahii ku uumaa intaa inkaar kaa ilaalshee Oogada tilmaanta leh qaab kuu asteeyoo kuu idleeyay Raganimo Waxaa tahay ayaan dhalad Asxaabta iyo rasuulkiyo Inta ehel qayrkiyo Islaankuna amaanee uilmeeyay awgaa Inta wiil asaagaa ah Adaan kaa ishaartee Inanyahoow la'aantaa Afka hadal ka deen waa Haddaan ku arki waaya Olal reemay caashaqa Kastan. Ubax soo baxaayaay Onkad iyo cilaacee Aragtida bidhaanta leh sidii loo abuuree Qurux loo asteeyaay Ayaantaynu kulanaa Jacayl igu abuurmoo Aragtidaa kaliyaa aniga la amkaagee Urugada xanuunka leh ibtalada la yaabka leh Adigaa igu Dhaliyee Inanyahay la'aantaa Jacayl ima anqariyeen heesaha amaanta leh Anba kuuma tiriyeen Amina dhool Uurkiyo calooshiyo Halistaad abaartee Nafta adiga mooyeee Aadmiga intaa la eg Ogalaani weeday Afar iyo tobnaadkiyo Dayaxoo ifitiimoo Arladoo dhan gaariyo Ilayskii cadceedoo uilmeeyay awgaa Inta wiil asaagaa ah Adaan kaa ishaartee Inanyahoow la'aantaa Afka hadal ka deen waa Haddaan ku arki waaya Olal reemay caashaqa Kastan: Agagaarka beerkiyo Idil oogadeediyo Xididada halboolaha Olal baa iga baxayoo Adaan kuu ildaranahee Abaalki haluminee Midig iyo maqaarkii Inanagoo ahaanaa ifka ugu jeclaan lahaa Urugada xanuunka leh ibtalada la yaabka leh Adigaa igu Dhaliyee Inanyahay la’aantaa Jacayl ima anqariyeen heesaha amaanta leh Anba kuuma tiriyeen
Queue is empty
-- / --