VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhambaal Jacayl Ft Kastan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Aamina Dhool
Dhambaal Jacayl Ft Kastan

Amina dhool:
Ilaahii ku uumaa intaa
inkaar kaa ilaalshee
Oogada tilmaanta leh
qaab kuu asteeyoo
kuu idleeyay Raganimo

Waxaa tahay ayaan dhalad
Asxaabta iyo rasuulkiyo
Inta ehel qayrkiyo
Islaankuna amaanee

uilmeeyay awgaa
Inta wiil asaagaa ah
Adaan kaa ishaartee

Inanyahoow la’aantaa
Afka hadal ka deen waa
Haddaan ku arki waaya
Olal reemay caashaqa

Kastan.
Ubax soo baxaayaay
Onkad iyo cilaacee
Aragtida bidhaanta leh
sidii loo abuuree
Qurux loo asteeyaay

Ayaantaynu kulanaa
Jacayl igu abuurmoo
Aragtidaa kaliyaa
aniga la amkaagee

Urugada xanuunka leh
ibtalada la yaabka leh
Adigaa igu Dhaliyee

Inanyahay la’aantaa
Jacayl ima anqariyeen
heesaha amaanta leh
Anba kuuma tiriyeen

Amina dhool
Uurkiyo calooshiyo
Halistaad abaartee
Nafta adiga mooyeee
Aadmiga intaa la eg
Ogalaani weeday

Afar iyo tobnaadkiyo
Dayaxoo ifitiimoo
Arladoo dhan gaariyo
Ilayskii cadceedoo

uilmeeyay awgaa
Inta wiil asaagaa ah
Adaan kaa ishaartee

Inanyahoow la’aantaa
Afka hadal ka deen waa
Haddaan ku arki waaya
Olal reemay caashaqa

Kastan:
Agagaarka beerkiyo
Idil oogadeediyo
Xididada halboolaha
Olal baa iga baxayoo
Adaan kuu ildaranahee

Abaalki haluminee
Midig iyo maqaarkii
Inanagoo ahaanaa
ifka ugu jeclaan lahaa

Urugada xanuunka leh
ibtalada la yaabka leh
Adigaa igu Dhaliyee

Inanyahay la’aantaa
Jacayl ima anqariyeen
heesaha amaanta leh
Anba kuuma tiriyeen

codkii Aamina Dhool, Kastam