inkastoon aan dhoofoo
meel aan dhawayniyo
dhul shisheeya aan tagay
wali waad igu dheertahoo
dhana uguma leexan
axdigaan dhiganoo
jacaylkii dhexdeenee
dhabta kaala igu qaboo
dhinacana isaaroo
aan dhadhamiyo naxariis
dhaaxaan ku sugayee

inkastoon dharaarahan
dhaguhu maqalka mooyee
dhaayuhu ku arkayn
dhanka aad ka maqantay
laydh aad uqabow iyo
dhaxanbaa iga haysoo
kuma dhaafi karayee
dhabta kaalay igu qabo
dhinaca isaaroo
aan dhandhamiyo naxariis
dhaaxaan ku sugayee

Exit mobile version