waa halis jacayloo
naftu kuu hilowdee
goormaan haraadkiyo
ka bogsoon hafeefada
anba hurumarkeeniyo
hadaar inaan wadaagnaa
way ilahaboontee
habkusoo dhe caashaqa
hadimada jacaylkee
inanyahow ku haysaa
goormaynu hawl iyo
ka bogsoon haleelada
anba hurumarkeenii
dantaa inaan haleelnaa
way ilahaboontee
ku hagoogo caashaqa

waa hadal goboodee
naftu ku hiranaysee
goormaynu hawgiyo
hiigsanay barwaaqada
anba hurumarkeeniyo
cadaad inaynu wadaagnaa
way ila haboontee
habkusoo dheh caashaqa
way inoo hagaagtee
kala hadhiba maynee
goormaynu heeladu
hooladeeda tumanaa
amba hurumarkeenii
danta inaynu haleelnaa
way ila haboontee
ku hagoogo caashaqa

Exit mobile version