ayaantii horeetaan
isha aan ku saaraa
uurkayga qaadee
iga qabo
adiguunbaan ku tabayee
idilkoon filkaagana
aqoontaad wax dheertoo
naftu ku ogolaatee
waxa oori dhiqi kara
reerna u arimin kara
laguna aaminaa talo
adigoo kaleetee

aniguba ilwaydee
aragaaga doono
waa la ibaaroo
jacaylkaagu amosbuu
igalayee
adaa aynigaa kacay
udgoonay umadanoo
naftu ku ogolaatee
waxa oori noqon kara
ubad daadahayn kara
lagu aaminaa talo
adigoo kaleetee
dumar kala ayaan roon
ragna kala abwaansane
illaahii ikaabadaan
habeen iyo aroor mahadinayaa
ifka inoo ahaatee
aakhirana waa janoo
idamkii illaahay
waxa oori dhiqi kara
reer u arimin kara
lagu aaminaa talo
adigoo kaleetee
dhulku kala amaanene
ilihii nugaaleed
oogada taleexiyo

Exit mobile version