VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ma ii baaqday ft muunye mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Aamina Dhool
Ma ii baaqday ft muunye

muunye
ma ogtahay biyo iyo oon
baahida kalgacal kaa
beeryahan iga gooysoo
ana barashadaadii
bidhaan araga guudnimo
baalna uma dhafine
waxad tahay bogaygiyo
beerkiyo wadnaha
nacab uga baqayee

Amina dhool
ma ogtahay bad iyo wabi
adigoon dabaal baran
loomama badheedhee
baahida kalgacal kuna
adigay ku baabto
dadka laguma beere
ma ii baaqday sida beel
baadiyo xareediyo
loohelay barwaaqoo

Muunye
maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqaaa
sow la imakaa badin

Muunye
inanyahay nin bayrlihi
runta lama badheedhoo
bogan waa dantiisee
hadba sida ban joog cawl
ciirsiga banaada
kaliday ka baaqaa
waxad tahay bogaygiyo
beerkiyo wadnaha
nacab uga baqayee

Amina dhool
inayohow basari iyo
doqonbaa nin beegsaday
bar xun kaga dhaqaaqdee
haka baqan badhaadhiyo
miduun baad ku soo bixi
barashada khasaartee
ma ii baaqday sida beel
baadiyo xareediyo
loohelay barwaaqoo

Dacar
maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqaaa
sow la imakaa badin

Muunye
inanyahay bidhaan iyo
dumar baaxad iyo xoog
bilic baad u sidataa
baashaada ila qabo
bi’iwaaye hawlaha
waa la isla baantaa
waxad tahay bogaygiyo
beerkiyo wadnaha
nacab uga baqayee

Amina dhool
way laba bogleyn iyo
arimahoo balaadhiyo
taladooy igu baahdee
aniguba bil iyo laba
baaxaa dag moyee
hurdo kaama boganine
ma ii baaqday sida beel
baad iyo xareediyo
loohelay barwaaqoo

muunye
maxaan kaaga baydhaa
ama kaaga baaqaaa
sow la imakaa badin.

codkii Aamina Dhool, Abdi Maaxi Munye