inkastoon tumaatida
toban sano hortood qabay
taranyoo kalgacalkii
wuu iga tanbadiyee
waa tayo xumaan daran
haday taako dhimantee
toobiyaha qaadoo
tusan aan ku waarnee

talantaali caashaqa
ma iskugu talaalnaa
taadu waa sahaalee
togog soo rogmadaynbaan
tiinbaday dhexdoodoo
aan ka toosi waayee
anigoon ku tabayaan
hadba kaa tagaayee
taariikh xusuusliyo
tiir adag ha yeeshee
tabantaabi caashaqa
tiro buuxda gaadhsii
jacaylku toorsaday
hadii uu tisqaaduu
siduu iitaagsaday
kuu taabtay adigan
waa tamashliyo farax
isku talo galkeeniyo
isagoo turxoon iyo
taahiyo xanuun qabin
talantaali caashaqa
ma iskugu talaalnaa
taageero midigtiyo
hadaan bidixdu taakulin
tamar xalaadliyo xoog
kuma tooge beeshee
waxaan uga socdaaa taa
ama toos uleeyahay
sidaad ii tilmaantaad
ana kuugu tolonee
tabantaabi caashaqa
tiro buuxda gaadhsii

Exit mobile version