heblay quruxdaada
hareerka kala cadayn
kala soocan hanaankiyo
jooga hubqaadka wanaagsan
timaha hidilkooda
haldhaaga lamoodo
habkaad utaalay
waan kuu hiloobay
sidaan kuu helaayo
usheeg hilinkeeda
cabdow aragaaga
hilowsiga gaaban
hankaygu ka wayne
nimaan hiyigaygu
halkiisa lahaynin
inaan la halmaalo
habeen kuma seexan
waxaanad helayne

adoon ku halmaamin
cidii kuu heelan
jacaylka la hiigso
taariikhda haweenka
hadaanad hafraynin
marbay kuu hirayne
midbaan la halawday
halkaad holinayso
tixdii lahalmaala
ano hubsan doona
habkaad aad utaalo
cidii kuu hilooda
siduu kuu hilaayo
usheeg hilinkeeda
hawada ku la duushay
hubsiimo la aanta
halkaad isla joogto
hilaaca dushiisa
hoobaanta la saaray
intaad u hilowday
hirbeenaaad ka laacday
waxaanad helayne
adoo ku halmaamin
cidii kuu hanwayn
jacaylka la hiigso

Exit mobile version