Caashaqu wad ii noqay
Wadaduu imariyo
siduu igu wacad furay
Weli waa xasuusanahay

Kii igu wacnaa lahaa
Nafta wehel unoqon lahaa
Hadaan ugu warami lahaa
Isagoon iweediin..

Isha walacsigeediyo
Waqtiga iyo nasiibakana
midna igama weerin

Hayeeshee wanaagii
weli waan sugayaa

Ruuxii waaya araga ah
U adkeestay warankii
Caashaqaan iweeray
Inugleey waayahaan

Wadeecada waxa ibaday
Wax waasha iga dhagay
Kii waxyahaygii iyo
Wadanahyga noqon lahaa

Isha walacsigeediyo
Waqtiga iyo nasiibakana
midna igama weerin

Hayeeshee wanaagii
weli waan sugayaa

Exit mobile version