sida laamalooshaha
ama laan madheedho
lug biyo le ku taaloo
intuu hooray lulay
leegleeganayso
hoobaan la liicdaad
quruxdeedii leedahay
ana la iigu kaa ladhay

waxbaan is leeyahay
markaan ladaan ku eegaba
ma liqdaa ma lagadaa misee
luquntaabad sudhataa

sidaad igu lamaantahaye
ama iigu ligantahayee
labada naas dhexdoodiyo
laga kugu nanabayee
aynu leg samaynee
waynu laacdamaynaa
anoon laamadoodin
libdhadu soo baxdaaye
markay laydhaadu i qabataba
anigu adiga waxaan isleeyahay
ma laashaa ma looshaar mise
laqanyadaad la jiiftaa

Exit mobile version