xariirtii janada iyo
xuural cayntii dunidee
xaawalayda oo idil
XAAKINKII ILAAHAY
miduu iiga xulayee
xilahaygii noqotaay
xubnaha jidhkaygiyo
xididada halbawlaha
xuubka sare wadnahaygiyo
xulashadii naftaydaay
xaaskaygii rumaadeey
xaragada socodkiyo
xubnahaaga kala dhilan
quruxdaa xad dhaafka ah
jaleecada xagaagay
xiisaha kalgacalkaa
xubi igu siyaadaaye
sidaad ii xaq dhawrtaan
ana kuu xushmeeyaa
xidhiidhkii dhexdeenana
xajiyoo ha sii dayn
xaaskaygii rumaadeey