qunyar dhiga talaabada qaabkii haldhaayeey
markaad saanta qaadaa
laabtu ii qushuucdaa waa qalanja dumaroo
rabi qaaya siiyee
qurux lagu tilmaamo naftu qancisaad tahay
qalbigaa ku raacoo qudhaydaa kuu irmaanoo
qayrkaaga dhaaftee qaali yaa la tar tami kara
xubnahaaga dhilan iyo dabcigaagan quman iyo
qiimaha aad leedahay tira lagu qiyaasayn
waa qureysh haweenoo qacdii aan jaleecaba
qamuunyaa isaaqdoo jacaylbaan qadh qadhaya
