hadii aad qandhooto
ama aad qabow dartii
jirku uu qarqarayoodoo
miyaad qari kareysa
sido kale qumaneey
qufac iyo xanuun iyo
qandho weye jaceyle
miyaan qarin karayaa
qilaafki dhexdeena iska iloow
qiimey caashaqoo xaal qaado
qalad qalad laguma saxo
qaladki aan kaa galay
qaali saamax nafteydoo
ha ii qaban waxi hore
xaal qaado sahraay xaal qaado

hadii aad qalanjo
qurux eebe ugu deeqay
indhuhu ey qanciyaan
miyaad qarin kareysa
sidoo kale qumaney
qisadii cilmi iyo hodan
qeys iyo leyla jaceylkii
miyan qarin karayaa
qalaanqalki dhexdeena
iska iloow
niyadu ka quusan weyde xaal qaado
qalad qalad laguma saxo
qaladki aan kaa galay
qaali saamax nafteydoo
ha ii qaban waxi hore
xaal qaado sahraay xaal qaado

Exit mobile version