Jacayl la ii dhiteeyay
Dhibaatada adduunyada
Dhalandhool lameyraday
Gelin dhexe habeenkii
Dhaxantoo dhacaysaa
Dhoolraadiyee meey yiri

Anoo saan u dhowraba
Hadba dhinac ufiirshaba
Waagii dhag ma ii yiri

Sida dhaan lasugayaa
Dadku dhawrayaanoo
Dhallaan lagu sasabayaa
Macaan adi kaa dhursugayaa

Dhaayahaa kuddoonoo
Dhagahaa ku maqal suga
Qalbigaad ku dheertahay
Dhabtii caashaqaagii
Dhiigguu dhex qaadoo
Dhuuxuu u daadagay

Dhuunigiina iga jaray
Dhanqalan ayaan ahay
Sidan ha igu dhowranee

Sida dhaan lasugayaa
Dadku dhawrayaanoo
Dhallaan lagu sasabayaa
Macaan adi kaa dhursugayaa

Exit mobile version