Idil hanaan qurux wanaageey
Hablaha taan ka aaminaay
Howraarsan adiga weeyaan
Cidnaa ha igu halleyn

Hadal waxaan ujeclahay
Iyo hanti aan heloo
Hubaal adiga weeyaaan

Halbowlahaad ku abuurantahoo
Wadnahaad hoy kuleedahay
Waan kuu hiloobee
Hiiddiyeey ma ii hilowdee

Jacaylkii qeys haleelaa
Anigana i helayoo
Hurda seexan waayee
Huggoonka caashaqa

Waan kuu hilloobee
Ma ii hillowdeeee

Sida hala dhalay irmaanoo
Ubadkii hooy uga tagtayoo
Hadbaan kuu olalayaaye
Iggaroo kuu harraadanee

Ama dalsan roob helay
Oo loo hayaamoo
Umaddaa u hiranaysee

Geed harac leh aanoo
Jiif ku habboon
Aan xanuun i haynbaa
Holac iga baxayaa

Waan kuu hilloobee
Ma ii hilowdeee

Jacaylkii qeys haleelaa
Anigana i helayoo
Ka seexan waayee
Huggoonka caashaqa

Waan kuu hilloobee
Ma ii hilowdeee

Exit mobile version