jacaylkan i saanyaday
oo sibiqda igu galay
sanbabada jidhkaygiyo
saablayda oo idil

adiga ku saaqee
subaxdaan is aragniyo
saacadii la joogaba
qalbiga ii sudhantee

seedahaad i goysee
samiiraay
kaa seexan weeyee
samiiraay
saqda dhexe habeenkii
suuqyadaan wareegaa
suuradaada goobaa

saxansaxo udgooniyo
sagal hooray oo da'ay
dhulka simay xareedee
dadku wada sugayeen

sifaheegii leedahee
waan kugu salalayaa
suleekhadii haweenkaay
soo soco samiiraay

sadriga iyo laabta samiiray
adiga ii sudhaneyy samiiraay

Exit mobile version