VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adiguna jacayl daran - Lyrics

diigaa habeenkii marku waagu daalaco hiir cado soo baxdo dayaxoo bar kala maqan sababtuu u yeedhaa diinkuna ma dhuun yado dareemada abaartuu afka wuu u diidaa haduu gugii ka daaqee ana dookhu yaab lee siduu iigu kaa diray dawooy adiga mooyee dumar kale ma eegee dan kaama lehee taa dhaaf waa doqonee ha u jabin dadbaa igu yiraahdee anba diraadiraha iyo dadka kaa xanaaqee dartay kugu colaadsha intaa daaya leeyee adiguna jacayl daran sideed iigu daysaa nafta waad damqaysaa sideed uguu daraataa eed iiga durugtaa hadal iigu diida dadka iigu maqashaa daya awrka geeliba wuxuu micida duugaa dayrt iyo gugii isba dayr cadkiisuu sheeda uga doobiyaa markuu daalo xiisu wuu kali dawafaa danbarsamaha cawlkuba dabaylaha ka faashee anba dooku yaablee siduu iigu kaa diray dawooy adiga mooyee dumar kale ma eegee by masuul.com
Queue is empty
-- / --