aduunyadan lurkeedii
laabtayda kicisaan
libinteeda sugayaa

qurbo lagu limaayaan
lab hashiisa goynoo
wali soo luf lufayaa

laab lakaca naftaydee
laabteedu jiiftaay
leel leelka dibadiyo
lufankaaga meelee

ladanihii i imoow
intaan dhabarku liicsamin
ama aan la ugu labsamin
ama aan luxudka la idhigin
laydhii dalkaygaan
laxashadeeda sugayaa

sidaa baraf lig liganoo
laamiyadana buuxshaan
lalanteed u lumayaa
hawliii lixaad badan
sahal looma laayacee
waa loo dhabar adaygaa

lagdankiyo dadaalkiyo
wakhtiyada i lurayaa
ku laciifi maayee
laabtaan u dhigayaa

by masuul.com

Exit mobile version