mawlihii ku uumaa qurux kugu manaystoo
maashee haweenkaba midaan kugu masaala
kumay dhalan aduunkee
mulkiday naftaydaa markii aan ku eegabaa
muraaqooday awgaa adaan kuu muqlaysnahay
maskaxdadaa taa gali
maaney maanka iyo maskaxdaad dawaysaa
miyirkaygiibaad tahay ma ogtahay
waan kuu muhanayaa macaaneey
macbuudkii ku uumaa midabkaad u dhalatiyo
madaw subul qurxoonoo man iyo ubax bislaada
macaan iila midab tahay
mataantii naftaydaay midigtaydiibaad tohoo
muxibadaa kalgacal adaa iigu mayracay

Exit mobile version