adaa i sitoo nafta saaqee
sawirkaaga laabta ii sudhan

salaan ubaxoon saaka soo diray
si wayn u gudoon
waan ku sugayaaye adna soo soco eey

sahankaagiyo safarkaaga
sanad gaadhee safku dheeraa

nafaan sasabaa seexad diido
sal fudaydee
waan ku sugayaaye
adna soo soco eey

Exit mobile version