cishadaynu kulanaa
cishqi igu abuurmoo
caynkaad u dhlataa
cajab galisay ruuxdee
caashaqii ka beermay
cugashadii dhexdeeenaa
isu keen casuumayoo
calafkaygii noqotaye
kaa calmaday haweenoo
cayni ani i deeqdoo
hogol curatay noqotee
cidlo caadil kuma bado

cayn kasta jacaylkii
hubaal waad cisaysoo
nafta waad ku culustoo
cindigaad ku taalaa
cudoon ugub haweenay
caradaan ku noolnahay
curadaan ka doortee
lay i caleemo saaraay
kaa calmaday haweenoo
cayni ani i deeqdoo
hogol curatay noqotee
cidlo caadil kuma bado

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version