karti dhaqan iyo qofnimo
asluub dhaqan iyo xaqdhawr
xurmayn dhalan iyo dulqaad
inaan ku ag dhigo suqraay
marlay dumar waa ma dhacdo
ala waxaa tahay ruux dhamays
gobiyo dhuuxii quraysheed
dhalad iyo gob,dii haween
dhamaan aadmiguba qire
inaa tahay dhawrsan dumar
dhamays iyo inan dheelitiran
ka dhawrta wuxuu ruux dhibsado

cadceed dhalatiyo nuureey
dhamaan dayaxiyo ifeey
dhooliyo hogol iyo gu,eey
miyay dhaayihii ku dayay
suqraay dheel dheel ku huri
xal baa tahay maan qof dhaya
dhabeel aan aadmi dhibin
dhis toosamahana u dheer
dhamaan aadmiguba qire
inaa tahay dhawrsan dumar
dhamays inan dheeli tiran
ka dheer wuxuu ruux dhibsado

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version