uma helin dabiib diihaal jacayl
iyo diiftaan qabo dawadaydiiyeey
dadna waa adigaa waxaan doonaya
dalabyada wadnaha ila doojiyoo
ila dayr kalgacal alla aan dadab galne
daryeelkii naftiyo dabiibkaygiiyeey
qalbigaygan dihin daawaad u tahay
dusha saar saar ii saar damqashana ka dhawr

i dilyoo hadana doonayoo markale
halkuu igaga dagay dakharada la helay
ayuu dib u hantiyay dookhaygiiyeey
dar allee hadaba bal khadraay daadihi
dusha saartoo mcan waan hayaa
aan doono caashaqo aan dayrnee
aan dadab galnee

Exit mobile version