hadaad adigu gobtoo
godobtiisa caashaqa
godiolkiisa maal tidhi
guul lagama gaadhee
armuu kula gadoomaa
gacal kaa fogeeyaa
gayi madhan ku geeyaa
godob kuu horseedaa
waa intuu ku gaadho
gaf jacaylku maahee
hadaan loo gudboonayn
aan guulo weheshado

tala kaa gurucantaa
guul kaa fogaysaa
hadhaw gaadhi waydaa
hadaad garabsi diidoo
garaadkaagu kula hadho
gocoshada xasuusta leh
intaan gaar u noqon lahaa
samir baan guntanayaa
waa intuu gaadhee
gaf jacaylku maahee
hadaan loo guboonayn
aan guulo weheshado

Exit mobile version