gabadhyay ma garbaa
geedkii jacaylka
gacalooy ma garbaa
inaad gaagixiso
jacaylkan garabkiyo
gaashaanka u ahaa
jacaylkan gogashaa
gibishiisa ahaa
jacaylkaan gundhigiyo
gundhigiisa ahaa
ma inaad ka guurtoo
iska gabi dhaclaysaa
aynu gacaladaydaay
gobta caashaq noqonee
hoo gorofka dookhoo
geestaada ila qabo

gaariyeey ma garbaa
geedkii jacaylkee
gacalooy ma garbaa
inaad gudin u qaado
jacaylkaan gaadhkiyo
gurmadkiisa ahaa
jacaylkaan gurgurshaa
gaadiidkiisa ahaa
jacaylkan gabadhyay
goonyaha ka taagnayn
ma inaad gumaysoo
hadba gabi dhaclaysaa
aynu gacaladaydaay
gobta caashaq noqonee
hoo gorofka dookhoo
geestaada ila qabo

Lyrics by : Ismacil Ahmed

Exit mobile version