cudurbaa gilgilsyoo
kala gooyay
gurigiina jooga

umadu galaftaa
god iyo iilbuu galiyo
wuxuu hadimo gaysta
dad goobyan inayse

gadh cadaagi madhayo
gaban iyo duqayba
galab walba tagaysa
maydhaa gacmihiina maydha

gacmaha maydhoo
farta gadhka hay
af daboolka gashoo
gurigaaga joog

geedka boogsiya oo
cudur aan la garanayn
dawadiisa gaarkee
gurigaaga joog

goobaha caweyske
dadka gabi yimaadan
gees uga fogow
gacamahiina maydhaa

waa caabuq galayoo
qof da' weyn qudh gooye
ha qarsan galaaftuhu
hadii uu gudaha dago
maydhaa gacmihiina maydha

gacmaha maydhoo
farta gadhka hay
af daboolka gashoo
gurigaaga joog

Exit mobile version