xurmada hablihii lahaa
hablihii xag loo dayaba
dhaqan loogu xilan jiray
xaruuri hablihii lahaa
habilihi xishood iyo diin lahaa
hodaneey xulkoodiyo
xidigtoodu waa adiga
xalan iyo adaa
ku barbaaray xaruntii
gobta looga xero dhigay

xubiguu noloshuu bilaa
guurka weeye xalkiisuna
dareen xiisaha ku yimid
hadii lagu sado xaq dhawr
dookhoo xasiloo dhalaa
hodaneey xigaaliyo
xigto caashaq baa tahay
xalan iyo adaa
ku barbaaray xaruntii
gobtaa looga xero dhigay

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version