Hubqaad bilacsan Hibo
heemaal quruxsan Hibo
Horjoog aragsan Hibo
HIBOOY HIBOOY

MACAAN Hirashadaadaan
isku howlay Maalmo
Hibshada dardaa baan
hiyikacay habeenoo
Hindisiyo walaac
baan la halawsiyaayee

Haqab tir naftaydaay
Is helno is hananano
Caashaqu hirgalinee
Habrashada ayada tuur
Hubanoow kalsoonida

Hanaan dabacsan hibo
Hufnaan camalsan hibo
Hilaac dhaqasan hibo
HIBOOY HIBOOY

Anigu hubaashay
Ku hilmaami maayoo
Halaqa iyo laabtaan
Kugu haynaayoo
Xubi aan harayn baa
Kugu habi had iyo jeer

Haqab tir naftaydaay
Is helno is hananano
Caashaqu hirgalinee
Habrashada ayada tuur
Hubanoow kalsoonida

Exit mobile version