ayaamaha kala cayniga
waqtigaa cadeeyoo
cishadaynu kulana
caashaq la igu daaroo
qalbigaad ku culustahay

naftaydaa ani naftaydaa aad cajibisoo
walee kuma canaantoo
abid ciil kuma bado
abid ciil kuma bado kuma bado

bada caashaq may gudhin
cisho qudha kumaan nicin
ciil abid kumaan badin
qalbigaad ku culustahayee
ku culustahay qalbigaad ku culustahayee

maankaa ku calmaday
curudyahaw i deeqdee
calafkaan wadaagniyo
RABAA RABIBAA igu kaa casuumay
igu kaa casuumay RABAA igu kaa casuumay

caqligaaga fahankiisa
iyo camall samaantaada
iyo qurux cudooneey
caashaq igu abuuroo
igu curiyay baahida hodaneey

waxa aad aad la cayn tahay
cadceed soo iftiintiyo
cirkuu sagal ku joogoo
dhulkuna dhulkuna caleemuhu
ay wada cagaarmeen

bada caashaq may gudhin
cisho qudha kumaan nicin
ciil abid kumaan badin
qalbigaad ku culustahayee
ku culustahay qalbigaad ku culustahayee

maankaa ku calmaday
curudyahaw i deeqdee
calafkaan wadaagniyo
RABAA RABIBAA igu kaa casuumay
igu kaa casuumay RABAA igu kaa casuumay

Exit mobile version