hadaan laga wada hinaasin
jacaylka inoo hirgalay
hadaan lagu dayan habkeena
dunida hadalkeenu gaadh

hadaynaan inagu horseedin
waxaan hore loo samayn
hadaynaan noqon tusaale
dadkoo dhami naqu hadaaqin

sidaynu isugu habayno
farxada u kala helayno
sidaynu isugu hanwaynay
u kala haybaysanayno
hadaynaan noqon taariikh
had iyo jeer lasoo xasuusto

hadaan lagu wada mashquulin
heerkaynu jacayl ka gaadhno
hadaynaan habdhaqan abuurin
hubaalna qayrkeen ku daydo

hadaynaan noqon hormuudka
lamaane kastana hogaansha
hadynaan halhaysna reebin
dunida hadalhayn ku baahda

Exit mobile version