casarkaad i deeqdee
cindigaygu ku bogaye
een laabta kuu culay
ciirsibaa baan ku bidayoo
cugashda naftaydaa
ku casuuntay adigee
cawayskaynu kulaniyo
barashadii cudoonayd
curdin weeye ugubee
caadil ha isku keen simo

waa cibaaro duniduye
ma markaad carawdaa
caashaqeenii kaa lumay
calaf waa nasiibee
lama ciilo ruuxii
calooshiisa kuu fura
cawayskaynu kulaniyo
barashadii cudoonayd
curdin weeyi ugubee
caadil ha isku keen simo

Exit mobile version