jacaylkii miraybaa
meelaanan garanayn
aanan kaa malaynayn
mudh intuu ka soo yidhi
igu noqday mahiigaan

badwayn ila mushaaxyoo
mawjadaha i saaryo
miyirbeelay goortaan
muxibooy ku waayoo
marna kaama maarmee

erayada macnaha badan
macaansaday codkaagoo
inaad iga maqnaataa
waa murugadaydee

mar la arag sideedaay
muuqaaga wacaniyo
quruxdaadu maankay
mahadhada ku reebtoo
xagaagaan ku maqanay

markastoon ku eegaba
waxaan kugu masaalaa
midabkii suleekhoo
inta dumar mar xidhataad
isilkood u wacantoo
waxaad tahay ma dhaafaan

Exit mobile version